Dawlada Jabuuti oo u diiday xoghayaha arrimaha dibedda dalada Mucaaridka ee USN in uu dalka ka dhoofo
Jabuuti July 26,2015(SDN/QJ)-Xukuumada dalka Jubuuti ayaa xoghayaha arrimaha dibedda ee dalada Mucaaridka Jabuuti Md Jamac Amare iska hortaagtay in uu dalka ka dhoofo.
Md Amare ayaa ka mid ahaa wefdi dalada USN oo u soo dhoofeysay qaarada Yurub, balse ciidamada Jabuuti ayaa mudaha iska hortaagay in uu dalka ka dhoodo.
Xukuumada Jabuuti ayaa beryahan danbe waxa cilaaqaad xumi ka dhexeeyaa dalalka reer Yurb iyo kuwa Carabta.
Waxaaney xukuumadu diidan tahay in culeyskaasi ku biro mid mucaaridku ay dunida u gudbiyaan.
Xukuumada Jabuuti ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiis ay laga gashay dalada mucaaridka ee USN.
Sidoo kalena dalalka Qarbiga Ayaan ku qanacsaneyn heshiisyada Ismaaciil Cumar la galay dalka China.
isku soo duuboo waxa isa soo taraya cadaadiska madaxweyne Geelle ka soo wejahaya guddaha iyo dibbedaba, xili sanadka danbe lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo doorashooyinka madaxtooyada.
SDN/QJ-Jabuuti