Dawlada Jabuuti oo Dahabshiil ka amaahatay Mushaharada Shaqaalaha
Jabuuti April 29,2012(SDN)-Dawlada Jabuuti ayaa sida ilo wareedyo noo sheegeen dhawaan ka amaahatay lacago mushaharo ah oo dhawr bilood ka baaqday shaqaalaha xukuumada dalkaasi.
Dawlada Jabuuti ayaa la sheegay in mudo gaaban ay qabsatay dib u bixinta lacagahaasi,balse ilaa haatan aaney u suurto gelin dib u bixinteeda.
Sida ilo wareedyadu ay noo sheegeen dawlada Jabuuti ayaan kolkii horeba aaney u qorsheysneyn in lacagtaa Dahabshiil ay dib u siiso.
Waxa xaalad guracani ay iiminka la soo gudboonaatay Shirkada Dahabshiil oo ganacsi badani uga xidhan yahay Jabuuti.
Ma cada ujeedada dhabta ah ee ay xukuumada Jabuuti amaahda u weydiisatay Xawaalada balse waa dhacdo ugub ah oo siyaasadina aaney ka madhneyn.
SDN-Jabuuti