Dawlada Itoobiya oo Xeelad Siyaasadeed Ciyaartay Isla Markaana Bedeshay Safiirkeedii Hore ee Somalia Bedelkiisiina u Magacwady Ambassador Cusub oo Dhalasho ahaan ka Soo Jeeda Kililka Shanaad ee Itoobiya
Addis Ababa 10. March 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Itoobiya, ayaa beddeshay Safarkeedii hore ee Soomaaliya u joogay Wondimu Asamne, ka dib markii uu waqtigiisu dhammaaday, waxaanay Safiirka cusub u magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo hore u ahaa Safiir Ku-xigeenka Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, ayaa shaacisay in Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Federaalka Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Ambassador Jamaaludiin Mustafa Cumar inuu noqdo Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Federaalka Itoobiya.
Danjiraha oo ka soo jeeda Dhulka Dawlad-deegaanka Soomaalidaa Itoobiya, ayaa loo arkaa mid ay dawladda Itoobiya ku xoojineyso xidhiidhkeeda dhaw ee Soomaaliya. Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa, ayaa waxa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dawladda Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya.
Jamaaludiin, ayaa noqonaya Danjirihii labaad oo Asalkiisu yahay Soomaali ee Itoobiya u soo magacawdo Safaaraddeeda Soomaaliya, waxa hore labo jeer Safiir u soo magacawday Cabdicasiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa ku taal xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa xusid mudan in dawladda Itoobiya saameyn Siyaasadeed iyo mid Millateri oo xooggan intaba ku leedahay Soomaaliya.