Dawlada Itoobiya oo Sadex Cisho oo Baroordiiq Qaran ah ku Maamuustay Dadkii Ku Naf waayay Goob lagu Cibaadaysto oo ku Taala Gobolka Oromiya
Addis Ababa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen Is Jiidh ka dhacay goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii Doraad.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay Is Jiidhkaasi ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.
Ra’iisul Wasaare, Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay wuxuu ku amaanay ciidammada ammaanka, Sida Wanaagsan ee ay u Guteen Shaqadoodii.
Raysal Wasaaraha Itoobiya Wuxuu Xusay in Dabaal Degaas oo ku Bilaabmay Qaab nabadgalyo ah uu isu bedelay Rabshado isla markaana Galaafatay Nolosha dad ka badan Konton ruux Waxaanu Mas’uuliyada dhacdadaas ku eedeeyay Canaasiir Nabad diid ah Sida uu Hadalka u dhigay.
Hailemariam Desalegn Wuxuu intaas ku daray in Dawladiisu ay Cadaalada hor keeni doonto Kooxaha ka danbeeyay rabshadaha Shalay ka Dhacay Gobolka Oromiya.
Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.
Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.
Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.
Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.
Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi ka qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.