Dawlada Itoobiya oo Maraykanku Ka Jaray Dhaqaale uu Ku Siin Jiray Dagaalka ay Kula Jirto Ururka Alshabaab
Washington 08. May 2017 (SDN/QJ):- Maraykanka ayaa joojiyey taageeradii Maaliyadeed ee dowladda Itoobiya ku siin jirtay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad meesha uga saaray lacag gaareysa $150,000 oo Doollar ah oo uu Mareykanka bil kasta ku siin jiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab, taasoo Sanadkii gaareysa of $1.8 Milyan oo Dollar.
Donald Trump ayaa lacagtaas ku sheegay inay tahay mid aan sax ahayn, waxaana uu Itoobiya ku tilmaamay in ay tahay waddan 20 Milyan oo ka mid ah dadkiisa ay abaar u dhimanayaan, aysana jirin sabab uu Mareykanka u siiyo lacag lagula dagaallamo argagixisada.
Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Jabuuti ayaa ka qeyb gelay shir dowladda Mareykanka u qabatay waddamada geeska Afrika ee ay isbaheysiga yihiin, kaasoo lagu dejinayay qorshaha ka dhanka ah dagaalka Kooxaha uu mareykanka ugu yeero Argagixisada.
laguma casuumin shirkaas dowladda Itoobiya mana ka qeyb gelin, waxaana Jim Mattis uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu Mareykanka xoojinayo isagoo la kaashanaya saaxiibada Gobolka.
Bishii la soo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa waaxda gaashaandhigga dalkiisa u fasaxay in ay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Itoobiya waxay horey walaac uga muujisay doorashada Donald Trump, waxayna ku tilmaameen inuu yahay Nin aan u wanaagsaneyn Siyaasadda Mareykanka iyo Itoobiya.