Dawlada Itoobiya oo Go’aansatay in Xukuumada Federaalka Somalia ay Ku Wareejiso 120 Maxbuus oo Soomaali ah
Addis Ababa 05. July 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ku wareejisay 120-Maxbuus oo Soomaali ah oo ku xirnaa dalkaasi.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in wareejinta Maxaabiista Soomaaliyeed ee Itoobiya ku wareejisay ay qeyb ka aheed heshiis dhax maray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya safarkii hore uu ku tagay magaalada Adis Ababa.
Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Kheyre in guul tahay in qeyb kamid ah Heshiiskii dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya la fulinayay laguna wareejiyay Maxaabiistan Soomaaliyeed oo dalka Itoobiya ku xirnaa waqtiyo kala duwan.
‘’ Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay in ay nagu soo wareejiso qaar kamid ah Maxabiista Soomaaliyeed ku xiran dalkeedda, waxaana hada ku guuleesanay in Itoobiya nagu soo wareejiso 120 Maxbuus oo dalkeeda ku xirnaa, ‘’ ayuu ku yiri ra’isul Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xiligan ku sugan magaaladsa Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxa uuna halkaasi uga qeyb galayaa shirweynaha 29aad ee ururka Midowga afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal iyo hoggaamiyaasha qaaradda afrika,