|

Dawlada Iran oo Sucuudiga ku eedeysay in Qaxootiga Soomaalida ee Yemen ay hubeyneyso

Tehran April22,2012(SDN)-Dawlada dalka Iran ayaa ku eedeysay dalka Sucuudiga in ay hubeyneyso isla markaana ay tababro ciidan siineyso Soomaalida Qoxooti ahaanta u joogta dalka Yemen,sida ay daabacday Jariirada Fars la yidhaa ee dalkaas ka soo baxda.

Iran ayaa sheegtay in sababata ay dawlada Sucuudigu tilaabada u qaadey ay tahay sidii loola dagaalami lahaa kooxda Xuutiyiinta layidhaa ee Shiicada ah isla markaana ku kacsan dawlada Yemen.

Iraan waxa ay sheegtay in 1300 oo Soomaali ah ay iminka u soo dhamaadeen Tababro ciidan isla markaana la geeyay eegaga ku teedsan xadka Sacuudigu la wadaago Yemen.

Meliishaadka Shiicada ah ee ka dagaalama dalka Yemen ayaa cilaaqaad dhaw la leh Iran,waxa ay hub iyo aduunba ka helaan dalka Iran.

Soomaalida ayaa hore loogu eedeeyay in ay ka bar bar dagaalamaan maleeshaadka  Al Qaacida ee dalka Yemen.

Shabaabka ayaa hore loo shaaciyay in ay dagaalyahano u direen dalka Yemen oo qalalaase siyaasadeed uu ka jiray miudo.

SDN-Tehran

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed