|

Dawlada Iran oo Diiday Dalab ka yimid Maraykanka Kuna rabeen in Baadhayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ay tagaan Xeryaha Ciidanka Iran

Tehran 30. August 2017 (SDN/QJ):- Dawlada iran ayaa ganafka ku dhufatay dalabka ay Maraykanku ku dalbanayaan in baadhayaal caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay la geliyo xeryaha ciidamada ee Dalkaasi Iran.

Iran waxa ay ku tilmaantay dalabka Marayka mid riyo ah, waxana uu dalabkani imanayaa xilli ay Maraykanku dib uga baxeen heshiiskii dhinaca quwadda Nucliyeerka ee ay sanadkii 2015 wada galeen jamhuuriyada Iran iyo Lix wadan oo waaweyn oo uu Maraykanku ka mid ahaa.

Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumada Iran Maxamed Baaqir oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Tehran ayaa waxa uu sheegay in saldhigyada ciidan ee wadankiisu yihiin kuwo aan cidna loo ogolayn inay gasho, dhmaana macluumaadka ku saabsani ay yihiin kuwo qarsoodi ah, marnabana aanay aqbali doonin in farogelin shisheeye lagu sameeyo.

Comments are closed