|

Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Xarakada Alshabaab oo Fariimo Mawqifyo kala fog xanbaarsan hawada isu mariyay

Dubai 26.June 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Ururka Al-shabaab, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay weerarkii isqarxinta ahaa ee lagu qaaday kolonyo uu la socday safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho maalintii Arbacada ee toddobaadkan.

Al ShabaabAfhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo saxaafadda taageersan la hadlay, ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku ka wadaan magaalada Muqdisho waxyaabo uu xusay inay ka soo horjeedaan shareecada islaamka.

Dowlada Imaaraadka waxay Muqdisho ka wadaa waxyaabo ka dhan ah shareecada Ilaahay, markaa waxa mujaahidiin ka tirsanaa Al-shabaab oo watay gaadhi laga buuxiyey walxaha qarxa ayaa Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxay ku beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo ciidan ilaalinayey, wuxuuna qaraxaasi haleelay meeshii la rabay,” ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in dawladda Imaaraadku cadaw ku tahay ummadda muslimka ah ee Soomaaliya, lana safan yihiin waxa uu ku sifeeyey gaalada, isagoo xusay inay taageero millatari iyo mid dhaqaale siiyaan dawladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, isla markanaa ka sameeyaan Muqdisho waxyaabo ka soo horjeeda shareecada Ilaahay, taasina tahay sababta ay u bartilmaameedsadeen.

Afhayeenka Al-shabaab, ayaa sidoo kale ku hanjabay inay urur ahaan sii wadi doonaan weerarka ka dhanka ah dalalka iyo hay’adaha taageerada siiya dawladda Soomaaliya iyo ciiddamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, lana joogtayn doono ilaa inta ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Bin Mohammed Gargash, ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarka lagu qaaday kolonyada gaadiidka ah ee uu la socday safiirkooda magaalada Muqdisho maalintii Arbacada.

Waxa aannu la soconaynaa xaaladda jirta, si buuxdana baadhitaan ayaan ugu samayn doonaa falka dhacay (qaraxa), arrintaasina noqon mayso mid minjo-xaabisa mabaadii’da naga go’an ee aannu ku taageerayno Soomaaliya, sidoo kalena naga jeedin mayso dagaalka aannu kula jirno argagixisada,” ayuu yidhi wasiirul-dawlaha Imaaraadka Carabta oo war kooban oo uu saaray Wargayska Jamhuuriya u turjumay Af-soomaali, isagoo intaas ku daray; “waannu joogtayn doonaa shaqadayada aannu ka qabano Soomaaliya ee lagu taageerayo dhismaha ammaanka, deganaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday kolonyada gaadiidka ah ee uu la socday safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, waxa ku geeriyooday ugu yaraan 14 qof oo u badan ciidanka Soomaaliya.

Dubai SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed