Dawlada Iiraan oo Xabsiga u Taxaabtay Tiro door ah oo ka Mid ah Dumarka Dharka Xayaysiiya,Xarumo Albaabada loo Xidhay & Sababta eedayntooda
Tahran 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Jamhuuriyada Islaamka ah ee Iran waxa xabsiyada loo taxaabay ugu yaraan 30 haween ah oo dharka xayaysiin jiray waxana lagu eedeeyey inay bedelayaan muuqaalka islaamiga ah ee wadankaasi leeyahay.
Warbaahinta dalka Turkiga badankeeda ayaa Xalay waxay baahinaysaa dhacdadaasi oo ka dhacday magaalada Mashhad.
Dhanka kalena waxaa albaabada la isugu laabay labatameeyo xarumood oo lagu soo bandhigi jiray xayaysiinta dharka haweenka.