|

Dawlada Iiraan oo ku gacn seydhay dalab Mareykanka uga yimi

Washington Dec 13,2011(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhawaan sheegay in uu ka dalbaday dalka Iiraan in ay dib ugu soo celiso duyuurad nuuca aaney cidi la socon oo dalkooda ku dhacday.

Dawlada Iiraan ayaa dalbakaa ku gacan seydhay isla markaana ku eedeysay dawlada Mareykanka in ay wado hawlo basaasnimo ah.

Dawlada Iiraan ayaa si toos ah ugu gacan seydhay dalbakan Mareykanka,waxaaney intaa ku dareen in bacdamaa ay duyuuradu hawada dalkooda ku soo xadgudubtay oo ay waday hawlo basaasnimo ah aaney Mareykanku lahaasheheeda shegan karin.

Dawladaha Iiraan iyo Mareykanka oo ay weheliyaan xulafadiisa ayaa in dhawaalaba isweydaarsanayay hadalo hanjaabaadyi iyo dacaayado isugu jira oo salka ku haya barnaamijka Tamarta ee dalka Iiraan.

 

Qurbejoog-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed