|

Dawlada hoose oo Shaqaalaheeda Cashuuraha Dirays u qaybisay iyo Maayar ku xigeenka oo baaq u diray Shacabka Hargaysa

Hargaysa 24.March (SDN) Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa ayaa maanta u qaybiyay laba boqol iyo konton Cashuur qaade Dirays ay ugu talo galeen in loogu garto .

Ku Simaha duqa Caasimada ahna Maayar ku Xigeenka Magaalada Hargaysa Cabdi Casiis Maxamed Xaashi oo Hoolka Dawlada Hoose kula hadlayay Shaqaalahan ayaa Tilmaamay Waajibaadka laga rabo ee Cashuur ururinta.

Maayar ku xigeenku waxa uu ka dalbaday Bulshada ku dhaqan Caasimada hargaysa in si ay uga Midho dhaliyaan Xilka ay u qaadeen ee Horumarinta iyo Qurxinta Magaalada inay bixiyaan Wixii Cashuur ah ee dawlada Hoose ay ku leedahay .

Maayar ku Xigeenka Caasimadu waxaa kale oo uu ka dalbaday Bulshada ku dhaqan Caasimadu inay kala Shaqeeyaan hawlaha Qashin Ururineed Maadama la Gudo galay Xili Roobaadkii Gu’ga waxaaanu Yidhi “Walaalayaal aynu ka wada shaqeyno ilaalinta nadaafada iyo bilicda Caasimada Magaalada,waxaynu galnay xili roobaad markaa waxaan idiinku baaqayaa inaydaan qashinka  ku shubin biyo mareenada waddooyinka,waa  inaydaan xaafadaha hortooda ku shubin xashiishka waxaa idiin iman doona shirkadaha qashinka marka qof kastowba dhankaaga ka ilaali nadaafa-darada iyo basar xumada qashinka annagu “Dawlada Hoose” diyaar ayaanu u nahay inaanu xashiishka qaadano wakhti kasta iyadoo shirkadaha  aanu u xil saarnayna ay Heegan u Yihiin”.

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed