|

Dawlada Hoose oo Laascaanood oo Hawl gal lagu Banaynayo Wadooyinka ka Fulisay Magaaladaas

Laascaanood 23.June (SDN) Maamulka Dawladda Hoose ee  Degmada Laascaanood ayaa maanta ka fuliyay qaybo ka mid ah magaaladaas hawlgal lagu banaynayo wadooyinka, laguna hagaajinayo bilicda degaankaas.

Hawlgalkan oo ay horkacayeen maayarka magaalada laascanood md. C/qaadir Jaamac Saalax iyo xoghayaha Degmada Cabdi khayre Dirir  wax aka qayb qaatay hawlwadeenada D/Hoose ee magaalda oo kaashanaya ciidanka Booliska iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadaha hawlgalkani maanta laga hirgaliyay

Wax hawlgalkan wado banaynta ah maanta laga sameeyay xaafadaha Bari ee magaalada laascaanood halkaas oo D/Hoose ay ku banaysay saddex waddo oo ka tirsan  jidadka xaafadahaas oo hore ay u xanibeen dhagxaan iyo dad si aan sharciga waafaqsanayn ugu soo durkay,

Xoghayaha dawlada hoose ee magaalada laas caaonood ayaa sheegay in hawlgalkan lagu banaynayo wadooyinka magalada uusii scon doona iyada oo   looga dan leeyahay in bilicda iyo isu socodka  magaalada lagu hagaajiyo.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed