Dawlada Hoose ee Magaalada Burco oo soo bandhigtay Waxqabadka u hirgalay
Burco 06.July (SDN) Dawladda Hoose ee Magaalada Burco ayaa ka warbixisay waxqabadkii mudadii Lixda bilood ahayd ee u dambaysay u qabsoomay iyo khataraha ay magaaladaasi ku keeni karaan waxyaabaha Kiimikalis-ka ah ee ay wershaduhu daadiyaan.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Burco Md Cismaan Sh Maxamed Cismaan-Nuur oo muddo sadex jeer ah oo xidhiidh ah ku soo noqday xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Burco ayaa isagoo u waramaya wakaaladda wararka Somaliland ee Solna waxa uu sheegay in mashaariic badani u qabsoontay mudadii lixda bilood ahayd ee ay hadda xilkan cusub hayeen sida waddooyin laamiyo ah oo ay dhiseen, Gaadiid badan oo cagaf-cagafyo ku jiraan ay soo iibiyeen iyo wacyigelin balaadhan oo ay ka sameeyeen dhinacyada saxada iyo fayo-dhowrka, halka sidoo kalena ay hagajiyeen bilicda caasimadda gobolka Togdheer.
Md Cismaan-Nuur waxa uu sheegay in ay qodeen ceelal biyood, sidoo kalena ay diyaariyeen dhul dan guud ah oo laga dhisi karo ilaa 200 Guri, dawlad hoose ahaana lagu abaal mariyey hay’adda ugu waxqabadka badan marka la dhinac dhigay degmooyinka Todobada ah ee A-da ah.
Dhanka kalena Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalada Burco Md Cismaan Sh Maxamed Cismaan-Nuur oo ka hadlayey dhibaatooyinka ka iman kara wasakhda wershadahu daadiyaan ayaa sheegay in laga taxadaray lana qariyo wasakhda wershadaha, iyaguna maamul ahaan aanay arag wax wasakh ah oo kiimikaal ah oo banaanka yaalla ama lagu daadiyey meel furan. Laguna hayo kormeer joogto ah xarumaha wershadahaasi ka dhisan yihiin.
Burco SDN.
Qurbejoog.com