|

Dawlada Hoose ee Magaalada Burco oo Ku Hawlan Qorshe lagu hagaajinayo Goobaha Biyo Fashiisinka ah

Burco 18.Nov 2013 (SDN)- Maamulka degmada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta billaabay dayactirka iyo nadiifinta waddooyin ay biyo fariisteen, kaddib roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada.

maayar-ku-xigeen burcoKu-xigeenka duqa magaalada Burco Muxumed Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu uu billaabay nadiifinta waddooyinka, si loo ilaaliyo bilicda magaalada, isla markaana looga hortago cudurro ka dhasha biyaha fariistay qaar kamid ah waddooyinka.

Wuxuu carrabaabay in dadka ganacsatada ah laga doonayo inay hagaajiyaan waddooyinka hormara goobahooda ganacsi, si leysaga kaashada horumarinta gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco.

Muxumed Xasan ayaa xusay inay sidoo kale dayactiri doonaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed