|

Dawlada Hoose ee Hargaysa oo maanta bilowday dib u habayn lagu samaynayo 10KM oo ka Mid ah Jidka Halbawlaha ah ee Caasimada

Hargaysa 11.May (SDN)  Maayarka Caasimada Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa maanta si rasmi ah u Shaaciyay dib u habayn casri ah oo lagu samayn doono Jidka Halbawlaha u ah Caasimada hargaysa oo hagaajintiisu bilaabantay.

Maayarka Caasimada oo ay Weheliyaan Xoghayaha fulinta dawlada hoose ,Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka ee Caasimada, iyo Engineero ajaanib ah oo fulinaya dhismaha wadadan isla markaana warbaahinta kula hadlay halka laga soo bilaabay dib u habaynta Jidkan oo ah Wajahada hore ee Wasaarada Maaliyada ayaa tilmaamay in hanaanka loo samaynayo wadadani ay tahay mid casri ah oo la jaan qaadaysa habka samaynta Wadooyinka Caasimadaha Adduunka .

Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose Mawliid Waris C.laahi ayaa u mahad celiyay Xukuumada dhexe oo uu sheegay inay bixisay Kharashka ku baxaya 8 Km,halka ay dawlada hoosena bixin doonto laba Km .

Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Caga yare ayaa isaguna sheegay in dhismaha Wadadani ay qaadan doonto Maalmaha Kooban ee Ka hadhay Munaasibada qaran ee 18 May,Waxaanu intaas ku daray in xubnaha Golaha Deegaanka ee Caasimadu ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga dhabayn lahaayeen Waxqabadkii ay ummada u balanqaadeen Xiligii Ololaha lagu jiray.

Gabo gabadii Duqa Caasimada Hargaysa Md.C.raxmaan Maxamud Caydiid “Solteco” oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay tahay  wax lagu farxo casriyaynta lagu samaynayo Jidka Halbawlaha Caasimada isla markaana ku kici doona Kharash aad u badan waxaanu maayarku ugu baaqay bulshada caasimadu inay u diyaar garoobaan weynaynta xuska 18-ka may  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed