Dawlada Hoose ee Caasimadda Hargaysa oo Soo Saartay Qodobo ay Sheegtay inay doonayaan Inay Ku Dhaqmaan Dadka Caasimadu
Hargaysa 17.Nov 2013 (SDN)- Mayar-Ku xigeenka caasimada Hargaysa Ahna ku Simaha Duqa caasimada Ayaa maanta Shir jara’iid Oo Uu xafiiskiisa Ku Qabtay Sheegay, In Ay Olole fara badan Wadaan sameyn Donaana Qaar kale Oo Ka Sii Xoogan, Waxaa Kale Oo uu Soo Saaray Qodobo Uu doonayo In ay Ku Dhaqmaan Dadka Caasimadu Kuwaasi oo Uu sheegay In uu ku Dar-dar galinayo Shaqada Dawlada hoose Ee magaalada Hargaysa
Hadaba Maayarku Xigeenka Oo arimahasi ka hadlaya Ayaa waxaa uu yidhi “ Dhamaan Waan Idin Salaamay, si duu Xildhibaanku Sheegay Anoo Ku hadlaaya Af-kayga Iyo Af-ka Xildhibaanada Ahna Ku Simaha Duqa Caasimada, Kaasi oo Shalay Safar Shaqo Ku baxay, Waxaanu Halkan idiinku Sheegaynaa hawlo Dardar galina, Iyada Oo lagu jiro xili Robaad Oloole Fara Badana aanu Soo Sameynay, khamiistii Qaar Aanu Sameynay, Arbacadii Qaar sameynay, la Soo tacaalaynay Xili robadkii Ina Soo Maray, kana Dig Toonaynaynay Xili Robaadka Kale, Waxaanu Ugu Sii talo galnay Imika Inaan Qabano hawlo fara badan oo magaalooyinka, haday tahay lamiyada go’go Ay, Anaga Oo Sameynay Afar Kooxood Oo ka Shaqeyn Doona lamiyadaa Go’Goday kab kab Keeda ,Hagaajinta Caasimada intaa Aynu Cad-ceeda Leenahay Ee Aanu roob Danbe Oo cad Ceeda Inaga Qariyaa Inoo Iman, hadaba Waxanu Sidoo Kale Rabnaa Inaanu fariimo u gudbino Ummad Ku Dhaqan Caasimada Hargaysa.
- Waxaanu Dad Weynaha Ku Dhaqan Caasimada ka Donaynaa inay Cashuurta bixiyaan.,Cashuurtaas Oo Ah ta guryaha ta ganacsatada Iyo ta Liisanada. Taas oo halbowlaha Koowaada, marka cashuur la bxiyo Ayaa Shaqana la helaa., Waxaanan Ugu baaqayaa In Dadka Dhawr sanno lagu leeyahay aanu ka Dayn Doono 30% , Saddexdii bilood Ee Aanu u Qabanayna Ay Bishii U danbeysay iska Gabo Gabo tahay, Oo bishaa 11 intaas Ka Hadhay ay U hadhay waxaan leenahay ka fa’iidaysta fursadaas.
- Waxaanu doonaynaa In Dayactirkii Iyo hagaajintii Caasimada gaar ahaan ganacsatada Ee Ahaayd In la hagaajiyo Hortooda, halkii laga Sii wado Waad Aragteen Ayaan filayaa Qaar badan Ayay Dawlada Hoose Dhigtay Waxaanu jecelnahay In aad dhamaysaan oo Waa Laydin tusay Nashaqdee Dawlada Hoose Ka Sii horeysaan Intaan laydiin iman, Waxaanan Ugu mahad Naqaynaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland cali Maxamed (Waran-cade) Ooh awl Kar Ah. Afar Sakadood Ayaanu hada Dhignay insha Allah Waxaanu jecelnahay In aanu Dhamaystiri Doono Oo Aanu Dhigi doono Sakadaha Hadhay Iyana Ay Na caawin Doonan.
- Waxaan Ka codsanyaa Dhamaan lamaha Sharkadaha laydhka Inay Sameyaan Waxa lo yaqaano Security Lights (Laambadaha Ilaalada) kuwaasi oo meelkasta Oo Ay Wado marto Aan Rabno Inay ku Sameyaan, waanan ka codsanaynaa insha Allah laamaha Ku Shuqulka Leh, wanu aragnay oo way jiraan qaar ka sameysan hadaba lakin in ay intaasna raacsanadaan ayaan jecelnahay.
- Waxaan ka Codsanayaa Dad-weynaha Ku Dhaqan caasimada Wax Aanu balan Qaadyadayadii Ku jirtay oo Ahayd In la Guro Dhagaxaanta hor yaala guryaha Horteeda Kuwaas Oo buux Dhaafiyay Cid Aliyaale Cid Wax ku fashaana Ma jirto bilicda Ayayna Xumeeyaan, waxad Arkaysaa guri Si Qurux badan loo Dhisay lakin Dhagaxaan hor Tuulantahay Oo Aan cidi mari karayn iyana waxaan ka codsanayaa dadka dhagaxaanta guryaha hordhigta inay ka qaadaan ,wanaanu wadnaa Kooxihii Ku Qaadi lahayd Oleleha guryaha Ay Dhagaxaantu Horyaalaan Kuwaasi Oo aanu Ilaa iskorogooyinkoodi soo Diyaarin Doono insha Allah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com