|

Dawlada Hindiya oo 50 Qof oo Soomaali ah ku Xukuntay Dil

Mumbai 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maxkamad ku taala magaalada labaad ee ugu weyn dalka Hindiya ee Mumbai ayaa la soo taagay dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay Budhcad-badeednimo

 

somali-sentenced-to-indiaMaxkamada oo ay kasoo hor muuqdeen 119 ruux oo Soomaali ah ayaa 50 ka mid ah waxaa lagu xukumay in la dilo sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamaddaasi

 

Warbaahinta Hindiya ayaa baahiyay in maxkamada oo qaaday dacwada loo haystay 119 ruux oo Soomaali ah oo ciidamada badda Hindiya xeebaha Soomaaliya ka qabteen intii u dhaxaysay 2011 illaa 2012 garsooruhu sheegay inay badankoodu qirteen dambiga loo haystay oo uu ku sheegay budhcad-badeednimo.

Markhaatiyo ka badan lixdan ruux ayaa maxkamada hor tagay kuwaasoo dhalinyaradaan Soomaalida ah ku cadaynayay inay geysteen falal afduub ah.

Garsooraha maxkamada Ranjeed Sangale ayaa sheegay in tiro ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah lagu xukumay xukun xabsi daa’in ah inkastoo oo aanu caddeynin tiradooda.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa qoraysa in safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ay wado dadaal ay ku doonayso in dacwadda dhalinyaradan loo wareejiyo dalkooda Soomaaliya, laguna Maxkamadeeyo.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan tiro yareyn ayaa ku xidhan xabsiyada dhawr wadan oo dunnida ah kuwaasoo qaarkoodna ay xukun sugayaal yihiin, qaarkoodna xukuman yihiin.

Comments are closed