|

Dawlada Filibiin oo Sheegtay inay Khaarajisay Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Dagaal Yahanka Abu Siyaaf ee Gacan saarka la leh Daacish

Marawi 17. October 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada dawlada Filipiin ayaa sheegay inay dileen laba abaanduule iyo toddoba dagaalyahan oo ka tirsan kooxada Abu siyaaf ee xidhiidhka la leh ururka ISIS, ka dib markii ay ciidamad Filipiin dagaal ku  qaadeen caasimada gobolka Marawi. abaanduule sare oo ka tirsan ciidanka Filipiin ayaa warka ka sheegay shir jaraa’id.

Abaanduulaha ayaa sheegay inay macluumaadkan bixisay haweenay la hayste u ahayd kooxaha fallaagada oo ka baxsaday ka dib hawlgalkaasi, haweenaydan la haysta ahayd ayaa sheegay inay labada abaanduule ee la diley ay sheegeen in aanay is-dhiibi doonin oo ay ku dhiman doonaan dagaalka.

Abaanduuluhu wuxuu intaasi ku daray in daraasiin dagaalyahanno ah iyo dad shisheeye ahi ay weli ku hadhsan yihiin deegaankan iyaga oo afduub ahaan u haysta dad ay qafaasheen. deegaankan Marawi waxa ka socday dagaal shan sanno jirsaday oo u dhexeeyey ciidamada dawlada Filipiin iyo jabhada Abu siyaaf, waxaana ku dhintay dad gaadhaya kun qof, sidoo kale waxa ku barakacay dad gaadhaya lix boqol oo kun oo qof, waxaana la burburiyey magaalada taariikhiga ah ee Marawi.

Comments are closed