Dawlada Federalka Soomaaliya oo Hay’adaha Taageera dhalinyarada ka Codsaday Shaqo Abuurka Soona Saaray Awaamiir lagu Joojinayo Tahriibka
Muqdisho, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – R/wasaare Ku Xigeenka dawlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xalay shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiska R.wasaaraha ayaa ka tacasiyeeyay Musiibada Maalmo ka hor ay ku Halaagsameen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonayay in ay Tahriib ku galaan Dalalka Yurub.
Mudane Cumar Carte ayaa ku Amray Hay’adaha Ammaanka in ay bur-burriyaan shabakadaha ka shaqeeya Tahriibka dhammaan meel walba oo ay Dalka Soomaaliya kaga suganyihiin.
Shirka Jaraa’id ayuu R.wasaare ku Xigeenka Soomaaliya iyo xubnaha kasocda wasaarada amniga ayey ku sheegay in la abuurayo Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda kuwaas oo si gaar ah uga shaqeyn doona ka hortagga Tahriibka.
Sidoo kale R.wasaare ku xigeenka ayaa baaq u diray Dalalka Taageera Soomaaliya isagoo codsaday in Dowladda Soomaaliya laga caawiyo Sidii ay shaqo abuur ugu sameyn laheyd dhallinyarada Soomaaliyeed ee Badaha ku dhammaanaya.
Hadalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay Somaaliland ay ku dhawaaqeen inay samaynayaan ciidamo si gaar ah ula dagaalamaya dadka dhalinyarada Tahriibiya.