|

”Dawlada Federaalku way ku fashilantay ku dhaqanka dastuurka” Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Dowlada Puntland

Garoowe 10.Sep 2013 (SDN)-Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Dowlada Puntland Maxamad Faarax Ciise Gaashaan ayaa maanta sheegay in dowlada dhexe ee Somalia ay is-daba marin loo jeedo ku samaysay dastuurkii horay loogu heshiiyay.

GaashaanGaashaan ayaa hadal kaan ka sheegay xili uu  maanta ka qayb galay xuska sanadguuradii kowaad ee aasaaska ururka suxufiyiinta gabdhaha Nugaal, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin habka qaldan ee ay dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud uga tilaabsatay qodobadii ay umadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen taasoo ugu horayso dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Waxa uu ku eedeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka inuu isagu wax ka badalay Dastuurka dalka islamarkaasina looga baahan yahay inuu cadeeyo sababta ku kaliftay inuu arrintaasi ku dhaqaaqo.

”Aniga wuxuu uu igu yiri wasiirkii Dastuurka Xoosh oo aan Xamar ku arkay bishii afaraad dastuurka waxba lagama qaldin waxaa wax ka badalay Odayashii iskugu jiri Muqdisho ee dhamaa 820-ka ahaa waan kala doodnay arrintaasi mana ahayn wax sax ah waana arrin qaldan Odayaashaasi waxaa lagu yiri dastuurka duuduub ku ogalaada ama ku diida”Ayuu yiri Gaashaan.

”Buuga yaroo gaaban oo la keenay hada oo qaldan Xoosh baa saxiixay tiinbaro-yar buu ku dhajiyay,faraali gilgilasho kaagama harto isagay dul wareegaysaa cida la badashay ha sheego ama ku amartay laakiin qiyaamo qaran oo la sameeyay weeye Puntland taasay haysataa sharcigii lagu kala socon lahaa ilaa la keenana dee meesha waxaa taala maxaa lagu kala soconayaa maxay ku dhuugtaa ama ka dhuugtaa hasho naaso leh dhirigtuna faruuryo leh”.

Gaashaan oo sii hadlaya waxa uu yiri ”nasiib wanaag maalintii Xamar nalaka cayrsaday oo kale ma nihin maanta dalbaa lee nahay wadankaa qaar ka deggan nahay mamul baan lee nahay khayraad iyo barwaaqaan haysanaa Soomaalinamadaan  wax ka dhisaynay hadaan loo baahnayn  oo aan la rabin kaliyaga uma dhutinayno waa run wayee dastuurku Puntlanda waxbuu noo sheegayaa hadii hadhowdii rabashka la joojin waaya.marka dowlada DF iyo madaxwaynaheedu iyagoo mahadsanad hanaga soo garbaxeen qalad baa nagala galay umadda Soomaaliyeedna laga galay”.

Puntland ayaa marar badan sheegtay in dastuurka la isdaba mariyay, mana jirto weli war rasmi ah oo ka soo baxay DF Somalia oo ku aadan dastuurkan qodobadda laga badalay xili ay Qaramada Midoobay ay balan qaaday inay masuul ka noqoneyso.

Garoowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed