“Dawlada Federaalku waxay Xanibtay Deeqihii Waxbarasho ee Sudan” Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Punt land {DHAGAYSO}
Garowe 06.Aug (SDN) Wasaarada waxbarshada Puntland ayaa ka hadashay go’aanka DF Somalia ay ku xanibtay shahaadada Dugisga sare ee Puntland iyo deeqihii waxbarasho ee iska hortaagtay ardeyda Puntland oo Sudan sanadweliba siin jirtay.
Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay shahaadada ay bixiso wasaaradiisu iyo inta dalka ee lagu tagi karo ama waxbarasho heer sare ah looga helayo.
Waxa uu sheegay in dalalka Somalidu u waxbarasho tagto ay dhamaan ka shaqeyneyso Puntland marka laga reebo Sudan oo Df ay xanibtay
Hadalka wasaarada ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Dowladda Puntand ay hakad gelisay wada-shaqeyntii ay la lahayd DF Somalia ka dib qodobo dhowr ah oo ay u tiigsatay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/dgpuntland06.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com