|

Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Shaacisay inay Sharci Adag ka Soo Saarayso Bariis Caag ah & Keeg Xabag ka samaysan oo Dalka la Keenay

Muqdisho 01. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Bariis Caag ka samaysan iyo Keeg Koolooyin ama Xabag ka samaysan oo Dalka la keenay, kaas oo halis badan oo caafimaad Aadamaha u leh, ayey Xukuumaddu sheegtay inay sharci adag ka soo saari doonto Bariiskaas iyo Cuntooyinka kale ee aan tayada lahayn ee Ganacsatada naxariistu ka guurtay Bulshadooda u soo waaridayaan.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo Warbaahinta Maanta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal lagaga hortagayo Khatarta ay leedahay Cuntada aan tayada laheyn ee dalka la keeno, ka dib markii dhawaan la arkay Bariis Caag ka sameysan oo meelaha qaar dalka Soomaaliya la soo geliyay.

“Waxaan maalmihii ugu danbeeyey arkeynay Bariis Caag ka shameysan iyo Koolo, runtii waxaa lagu xakameyn karaa oo lagaga badbaadi karaa Sharci lagu ilaaliyo tayada Raashinta iyo Cuntada dibedda laga keeno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in Wasaaradda Beeruhu xidhiidh la leedahay Cuntooyinka noocyadooda kala duwan, sidaas daraaddeedna, ay dhawaan uu Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya horgeyn doono Sharci lagu ilaalinayo Tayada Raashinka iyo Cuntooyinka kale ee dibedda laga soo dhoofiyo ee Soomaaliya la keeno.

Baraha Bulshadu ku kulanto, ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay la soo dhigeyey Bariis ka sameysan Caag oo Suuqyada Caalamka lagu iibiyo oo Soomaaliyana soo gaadhay, waxaana laga digay khatarta uu leeyihiin Bariiskaasi iyo Keeggaas Koolooyinka ka samaysan, kuwaas oo ku baahay, laguna arkay Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah.

 

Halka bishii hore lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland Bariis Caag ka samaysan oo markii la kariyey Qoys ka mid ah Qoysas laga iibiyey ku xanuunsaday, isla markaana bislaan waayey oo noqonaya wax isku kuusmaya ama isku dhegaya.

 

Inta badan Tayada Cuntooyinka kala duwan, Sharaabbada iyo Dawooyinka kala geddisan ee loo soo dhoofiyo waddanka Soomaaliya, ayaa tayadooda la rumaysan yahay inay aad uga hoosayso tayada waxyaabaha la midka ah ee Suuqyada waddamada kale ee dunida, iyaga oo Ganacsatada Soomaalidu soo dhoofsada inta badan waxyaabo been-abuur ah iyo waxyaabo aad loo khafiifiyey tayada laga doonayey, kuwaas oo Dadka daba-galaa sheegaan inay Lacag Jaban ku soo iibsadaan Ganacsatadu, isla markaana Lacag qaali ah kaga iibiyaan Bulshadooda wax tayadoodu liidato iyo kuwo been-abuur ahba isugu jira, si dhib yaraan uga macaashaan.

 

Dhakhaatiirta qaarkood waxay tilmaamaan inay yihiin waxyaabaha sababta u ah Cudurrada faraha badan ee labaatankii sano ee u dambeeyey Soomaalida aadka ugu soo badanaya ee Macaanka, Gaastariga iyo kuwo badan oo kale oo Soomaalida ku badan iyo iyaga oo aan jirin Hay’ado Tayada waxyaabaha la soo dejiyo u xil-saaran oo si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u shaqeeyaa.

Comments are closed