Dawlada Federaalka Somalia oo Xadidaysa Qaadashada Passaporka Dublamaasiga ah
Muqdisho 04.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arimaha dibadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ku hanjabay inay xadidi doonaan Basboorka Diblamaasiga ah oo uu sheegay in cid walba iska qaadatay. Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Dawladda ah oo kaliya loo Ogol yahay Qaadashada Basboorka Diblamaasiga ah.
“Basaboorkan waa mid loogu talogalay inay qaataan siyaasiyiinta dowladda ku jira, balse ma ahan in qof walba uu iska qaato. Waxaadna arkaysaa in qof walba uu iska qaato, Qof walba ayaa iska sita baasaboorka, waxaana naga go’an inaan ka hortagno in cid walba ay iska qaadato, kuwii horay loo siiyayna waa laga soo celin doonaa. Waxaa jirta shuruuc loo maro habka loo qaato baasaboorkan, waxaan horay geyn doonaa arrintan golaha wasiirada dalka, si go’aan midaysan looga gaadho” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Waa markii u horaysay ee Xukumadda haatan jirta ee Somalia qaadayso Talaabo lagu dhimayo qaadashada Basaboorka Diblamaasiga ah ee loogu talo galay Diblamaasiyiinta iyo Siyaasiyiinta Somalia.
Muqdisho SDN/QJ