|

Dawlada Federaalka Somalia oo Ka Hadashay Weerarkii lagu Khaarajiyay Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Kooxda Alshabaab

Muqdisho 29.October 2013 (SDN)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday meel u dhow tuulada Dhaay Tubaako, oo hoos tagta degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe.

Wasiirka amniga ee SomaliaWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/Kariin Xuseen Guuleed, oo u warramay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dowladdu ay qeyb ka ahayd weerarka duqeynta ah ee ka dhacay tuuladaasi.

Wasiirku wuxuu sheegay in weerarkaasi lagu dilay nin ka tirsanaa ahaa hor-joogeyaasha malleeshiyada Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Cali (Anta-Anta), kaas oo sida uu wasiirku sheegay u qaabilsanaa maleeshiyada samaynta miinooyinka iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya.

C/kariin Xuseen Guuleed ma sheegin cidda geysatey weerarkan.

Howlgalkan ayuu ku tilmaamay wasiirku, in uu wax badan ka qabanayo amniga waddanka, isaga oo sheegay in howl galkani uu qeyb ka yahay tallaabooyinka lagu baacsanayo malleeshiyada Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qacidda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed