Dawlada Federaalka Somalia oo Daboolka ka Qaaday inay Keentay Qalabka Lagu Hago Diyaaradaha Taas oo Sahlaysa in Maamulka Hawada Somalia Lagu soo Wareejiyo DAAWO
Muqdisho 07. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabo muhiim ah hore ugu qaadday sidii loo soo wareejin lahaa maamulka hawada kadib markii ay dalka la keenay raadaar cusub oo qayb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalka oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya.
Dawladdu waxay sheegtay inay billawoday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.