Dawlada Faransiiska oo shaacisay in ay heyso cadeemo la xidhiidha dilkii xaakim dalkooda u dhashay oo loogu geystay Jabuuti
Paris Dec 24,2011(qurbejoog.com)-Xaakim Faransiis ah oo Jabuuti lagu dilay kal hore ayaa mudo dheer waxa uu dhex dhigay caqabad siyaasadeed ka dib kolkii si dhab ah baarid loogu sameyn waayay sababaha ku xeedhnaa dilkiisa.
Xaakim Borell ayaa waxa ay dawlada Faransiiska wasaaradeeda cadaaladu waxa ay hore u qabtay in uu is dilay,balse xog dhawaan soo shaac baxday ayaa tibaaxeysa in ciidamada Faransiiska ee jooga Jabuuti ay la socdeen dilka xaakimka ka dib kolkii ay dhegeysteen isgaadhsiinta Booliska Jabuuti oo arrintaa ka hadlaya.
Madaxweynaha Jabuuti iyo ilaaladiisa ayaana ay xogtani cusubi farta ku godeysaa.
Waxa sidoo kale soo baxday in safar uu iminka madaxweynaha Jabuuti ku joogo dalka Faransiiska uu kula kulmay madaxweyne Sarkozy in looga wada hadaly xogtan cusub ee todobaadkan oo la xidhiidha dilka xaakim Borrel loogu geystay dalka Jabuuti.
Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com