Dawlada Eretrea o ka carootay heshiiskii Ankra
ASMARA (QJZ0 -Dowladda Ereteriya oo saaxiib la ah dowladda Soomaaliya ee la dhisay kaddib khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya ayaa hadda shaki weyn ka muujinaya heshiiskii ay dhawaan Ankara ku gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Diblumaasi C/qaadir Idiris oo ah la taliyaha arrimaha Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa walaac xooggan ka muujiyay heshiiskii Ankara ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Abiy, isagoo ku tilmaamay mid shaki weyn laga muujinayo oo aan la isku haleyn karin.
Mr. Idiris ayaa xusay in haddii ay dhab noqoto in Soomaaliya ay Itoobiya siiso marin badeed ay Eritrea qaadi doonto tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin in ay jarto dhammaan xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, taasoo jabin lahayd heshiisyo iyo ballan qaadyo ay horay u wada galeen oo ahaa in ay Itoobiya iska difaacaan.
“Heshiiskii ugu dambeeyay ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar waxa uu ahaa in Soomaaliya laga difaaco damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya,” ayuu yiri C/qaadir Idiris.
La taliyahan dowladda Eritrea ayaa sheegay in heshiiska madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy uu noqday mid lama filaan ah, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya ay ogolaato in Itoobiya xilligan la siiyo marin badeed.
Ugu dambeyn, C/qaadir Idiris ayaa ka digay in haddii ay dhab noqoto in Soomaaliya ay Itoobiya siiso marin badeed ay khatar ku noqon doonto ammaanka Geeska Afrika. Waxaa uu ku booriyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay dib u eegis ku sameeyaan arrimaha socda.