|

Dawlada Dhexe oo ciidamadeedii ka saartay Raaskaambooni

Muqdisho (QJ) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay iyadoo gudaneysa waajibka ka saaran ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka, waxay fartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS (AMISOM). lana xaqiijiyo ka bixitaankooda deegaanka.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu eedeymo uga yimid Axmed Madoobe oo loo arko inuu halis geliyay nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhiigooda uu qiimo weyn ku fadhiyo.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaanan helin wax amar ah oo ku aadan in ay la dagaalamaan cid aan ka aheyn Shabaabka. Waxa ka go’an inay gutaan waajibaadkooda qaran ee ah ilaalinta dalka, dadka iyo iimaanka si kasta oo looga maarmi karo.

Comments are closed