|

Dawlada Dhexe oo bogaadisay ciidanka Puntland

Muqdisho (QJ) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay howlgallada ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan kooxda Daacish, gaar ahaan guulihii ugu dambeeyay ee ay ka gaareen dagaalka.

Wasaaraddu waxay dadaalkan ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo guud ahaan halganka ay shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kooxaha argagaxisada ah ee weli dalka ka geysta gumaadka iyo gumaadka shacabka.

War saxaafadeedka ayaa lagu nuux-nuux saday in falalka kooxaha argagixisadu ay si cad uga hor imaanayaan shareecada Islaamka, hab-nololeedka Soomaalida, xasiloonida dalka iyo amniga gobolka.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa sidoo kale tacsi u dirtay askartii geesiyaasha ahaa ee ku naf waayay howlgallada ay ciidamadu ka sameeyeen buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari.

Ugu danbayntii wasaaraddu waxay ku boorisay dawlad goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka in ay si buuxda u garab istaagaan ciidamada si kor loogu qaado hawlahooda ka dhanka ah argagixisada.

Comments are closed