Dawlada Dhexe ee Itoobiya oo Ka Hadashay Sababaha Dawlada Federaalka Somalia Ku Ajburay inay Ku soo Wareejiyaan Sarkaal Sare oo ka Tirsan Ururka ONLF & SAWIRO laga soo Qaaday
Addis Ababa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay u soo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.
“Waxaan kuu xaqijiyay in Itoobiya loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.
Dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin arintan, iyadoo mar wax laga weydiiyey raisul wasaaraha Soomaaliya uu arintaas ka gaabsaday, waxaana arintan ay hadal heyn badan iyo cadho xoogan ka abuurtay Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale dalka Somalia.