Dawlada Dhexe ee Federaalka Itoobiya oo Shaacisay inay Boqolaal ka Tirsan Qoomiyada Oromada Xabsiyada u Taxaabtay Kuwaas oo Lug ku leh Dadkii Soomaalida ahaa ee Lagu laayay Haawaday
Addis Ababa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa la xidh-xidhay Boqolaal qof oo ka mid ah dad ku eedaysan inay masuul ka ahaayeen dhimashada iyo barakaca ka dhashay xurgufta u dhexaysa degaannada qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, sidaas waxa shaaciyay Jimcihii Wasiirka Isgaadhsiinta ee Itoobiya, Dr. Negeri Lencho
Siday faafisay wakaalladda wararka Itoobiya ee ENA, Wasiirka Arrimaha isgaadhsiinta Itoobiya Dr. Negeri Lencho, ayaa u sheegay warbaahinta, in talaabada lagu xidhxidhay dadkii rabshadahaasi ku lugta yeeshay ay qayb ka tahay dedaalka xukuumadiisu ku doonayso inay nabadgelyada ku sugto, waxaanu intaas ku daray in caddaaladda la horgeyn doono ashkhaastii masuulka ka ahaa rabashadaha
“Dadkii ka qaybqaatay qulqulatooyinka waa la xidh-xidhay. ilaa boqolaal qof ayaa la xabsiga loo taxaabay degaanka Oromada, gaar ahaan magaalada Hawadey ku dhawaad 200 oo qof ayaa la xidhay,”ayuu yidhi
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in ciidammada amaanka iyo ciidanka Booliska Federaalka la geeyay degaankii qalalaasuhu ka dhacay si ay nabadgelyada gacan adag ugu qabtaan isla markaana xasiloonida u soo celiyaan.
Dr. Negeri Lencho waxa kaloo uu xusay hore loo sameeyay dedaalo labada dhinac lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafaadkooda la xidhiidha murunka xuduudaha, oo lala kaashaday waxgaradka labada degaan, waxaannu tilmaamay arrintaasi ay keentay in Bishii April ee sannadkan ay kala saxeexdeen heshiis khilaafkooda ku wajahan.
Dr. Negeri wuxuu sheegay in rabashadaha dhawaanahan ka soo cusboonaaday labadan degaan aan la garanayn wax sababay. Waxaanu intaas raaciyay in madaxdhaqameedka, hoggaamiyeyaasha diinta ee labada degaan ay wadaan qorshe lagu heshiisiinayo labada dhinac.