|

Dawlada Denmark oo Doorashadda Madaxtooyo ee Somaliland Ku Sifaysay Mid lagu Tijaabinayo Dimuquraadiyada Somaliland

Nairobi 22. July 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba sanduuqa SDF ayaa sheegtay in doorashada madaxtooyada ee soo socotaa ay marag run ah u noqon doonto horumarka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Safiirka Denmark u qaabilsan Kenya iyo Soomaalida danjire Mette Knudsen oo toddobaadkan dhammaaday safar ku timid magaalada Hargeysa, ayaa qoraal ay safaaradu so saartay waxa lagu sharaxay kulamo ay la yeelatay wasiirada arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi. “Toddobaadkan safiirkayaga danjire Mette Knudsen, waxay socdaal laba maalmood ah ku tagtay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Waxay kulamo la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad iyo wasiirka madaxtooyada Mr. Xaashi, waxaanay ka wada hadleen doorashooyinka soo socda.” ayaa lagu yidhi qoraalka, waxaanu warku intaas raaciyay in doorashooynka soo socdaa tijaabo u yihiin geedi socodka dimuqradiyadda Somaliland “Waxa ay marag run ah u noqon doonaan horumarka dimuqraadiyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi yidhi qoraalka.

Qoraalkan safaaradda Kenya waxa lagu sheegay in horumar dhaqaale uu ka socdo dekedda Berbera, “Waxa kale oo uu isbedel dhaqaalaha Somaliland ahi ka muuqdaa dekedda Berbera oo uu ka socdo horumar muhiim ah, kaas oo aanu ku aragnay booqasho aanu ku tagnay ciidanka ilaalada xeebaha, dugsiga barashada culuunta badda iyo mashruuca kalluumaysiga oo uu gacanta ku hayo NGO ah Danish-Somaliland.”

Comments are closed