Dawlada Britian oo aqbashay dhamaan shuruudahii ay Somaliland ku xidhay ka qaybgalka shirka London
London April 19,2013(SDN)-Waxaa magaalada London wadahadalo ku yeeshay maalmahan dawladaha Britian iyo Somaliland , wadahadalada oo ay ugu weynayd sidii ay Somaliland uga soo qaybgali lahayd shirka soomalida ee London .
Hore ayaa madaxweyne Siiraanyo u sheegay inaanay Somaliland shirkaa ka qayb galeyn. Haddaba dawlada Ingiriiska ayaa culays saartay sidii ay Somaliand uga qayb gali lahayd shirkaas.
Dawlada Somaliland ayaa shirkaa ku xidhay shuruudo ay u aragto lama huraan , waxaana ilo ku dhaw waftigu ay ii xaqiijiyeen in Britian ay aqbasahy dhamaan shuradahii Somaliland rabtay shirkani ay ka qayb gali doonto.
1- In Somaliland shirka kaga qayb gasho , sida kii hore ee LONDON oo ah meel ka gooniya soomaliya
2- In dawalda Somaliland lagu qaabilo hab maamuseed heer Qaran ah
3- In Somaliland ay faiido dhaqaale iyo mid diblomasiyadeed ka hesho shirka
4- In shirku fuliyo Qodoobkii lixaad (somaliya iyo Somaliland wadahadaloddoda in caalamku taagero )la fuliyo oo caalamku markhaati ka noqdo.
Haddaba Raiisal wasaaraha Ingiriiska Cameroon iyo madaxweyne Siiraanyo oo kulmay ayaa aad isula meel dhigay in Somaliland iyo Britian ay sii adkeeyaan xidhiidha soo jireenka ah ee ka dhexeeya iyadoo Somaliland ay dan weyn ugu jirtio shirkan waayo waxa kasoo qayb galaya 54 dawldood oo Somaliland qayidadeeda ka hor sheegan karto , waana markii u horeysay ee Raiisal wasaarha ingiriisku qaabilo madaxweyne Somaliland ah .
Abdirahman Bidhan Dahir bcfm 93.2fm