Dawlad shacabka Muslimka ka Joojisay Xidhashada dharka Asturan ee haweenku xidhaan SAWIRO
Paris 25 August, 2016-(SDN/QJ):– Dawlada Faransiiska ayaa Joojisay In dumarka muslimka ahi ku dabaashaan Dhar Asturan.
Booliiska Faransiiska ayaa xeebta Nice dharka kaga saaray haweenay Muslim ah oo xeebtaasi u tagtay inay ku dabaalato kadibna cashuuray.
Dawlada Faransiisku, waxaa ay sheegtay in dharka asturan ee dumarka muslimka ahi xidhaan ay ka hor imanayo dhaqamada shacabka dalkaas oo ay sidaasi u joojisay.
Dawlada Faransiisku waxaa ay marar hore sidan oo kale isku dayday inay joojiso xijaabka ay xidhaan dumarka Muslimiinta ahi balse waxaa si wayn uga soo horjeestay Go’aamadaasi dadka muslimka ah ee ku nool dalkaas.
Haweeneyda la isugu daray ganaaxa iyo dhar ka siibida oo magaceeda la yiraahdo Siam ayaa sheegtay iney qoyskeeda la joogtay xeebta Nice aysana halkaas u tegin iney dabaalato, waxayna falka boolisku kula kaceen ku tilmaantay mid xoriyada diimaha ka dhan ah.
Faransiiska oo muslimiin badani ku noolyihiin waxaa dadka muslimka badanaa loo arkaa kuwo argagixiso ka tirsan waxaana cadaadis xoogani lasoo darsay kadib markii la weeraray huteel lagu caweeyo dabayaaqadii sanadkii hore.
Shacabka Muslimka waxaa inta badan cadaadis dhinaca diinta ahi kaga yimaadaa waddamada reer Galbeed kuwaasi oo inta badan isku daya inay waxyeeleeyaan ama diidaan dhaqan suuban ee Diinta Islaamka.