|

Dawlad Mas’uul ah oo Dadka Matasha; By Ahmed Arwo

Waxaan la kulmay akhyaar wax badan ka akhrisatay maqaaladii aan qoray sanado horteed oo tilmaamaya hab-maamul wanaagga iyo horumarka bulsho oo iga dalbay inaan dib u milicsado nuxurkoodii. Waxay ila noqotay inaan codsigaas oo marar badan iyo meelo kala duwan leygu weydiiyey aan dib u cusboonaysiiyo si ay u noqdaan wacyigelin iyo tilmaam bulsho oo suuban. Waxa badan dhalinyaro hadda kacday oo xiligaas aan ahyn dar xiiseeya siyaasadda, haddana ayba u tahay mihnad. Kuwaas ayaa hormood ka ah kuwa aan uga dan leeyahay inay ka faa’ideystaan ilana wadaagaan dood furan iyo dareen hadal.

Wax badan oon tilmaamay wey hirgaleen, wax badana waa lagu talo jiraa waana kuwa u baahan inaan is xusuusino xaakim iyo shacbiba.

(RESPONSIBLE AND REPRESENTATIVE GOVERNMENT)-QORMADII KOWAAD
Taariikhda aadmiga iyo hab nolaleedka loogu baahday maamul dawladeed, waxuu soo maray qarniyo badan oo xoog loogu taliyo, dhaca iyo dilkuna yahay dhabada loo maro xukun ummadeed. Waxa talada si xooga ula wareegi jiray ninka ugu cududa weyn, oo noqda mid aan ogolaan cid awoodiisa la qaybsata. Waxa uu dadkiisa ka dhigi jiray addoon, aqbal keen ah. Maskaxda keliya ee talisaana waxay ahaan jirtay tiisa.
Waxa Illaahay soo diray rasuullo iyo nebiyo bulshada bara hab maamul wanaaga iyo in loo baahan yahay bulsho ku dhaqanta cadaaladda, maskaxdu taliso oo cududa la xakameeyo, iyagoo sharciga Eebbe soo bandhiga oo sax iyo qalad kala saara. Waxayna ay Illaahay ka keeneen inaan xaqu lumen, cidda gardarro iyo fal xumo la timaada, haddaan ifka lagaga jarin in xisaabta aakhiro dambeyso. Waana amuur wax badan ka yaraysay dulmigii taagnaa. Waxaana la aaminsan yahay in cabsida Illaahay iyo xisaabta aakhiro dambiyo badan baajisay ilaa maantana ay tahay tiirka ugu weyn ee xakameeya awood sheegadka aadmiga oo ay hagto islaweyni, kibir iyo shaydaan-addeec.

Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba ka unkamay dagaal oogayaal midiidin ka dhiga shacbigooda, oo maal iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.
Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaaddo nebiyadii Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee muujisay mas’uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha. Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Giriigii hore iyo Romankii ay xiliyada qaar hab sifahaas oo kale lihi ka dhashay, ma se ay noqon mid dal dhami ka hirgalay.
Waxa bilaabantay fikradda ah in la helo dawlad mas’uul ah oo dadka matasha. Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay, waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshahay. Lacagta dawladda waxaan mushaharkiisa ahayn gacantiisa ma soo gelin. Sidoo kale ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.

Dhinaca shuurada amba la tashiga oo ah sifaha ah dawlad dadka matasha, waxa xiligaas jiray nidaamka dhaxaltooyada ee boqorada, haddaba Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas’uuliyadda, waxa laga dheehan karaa qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.

Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:

“ Dadweynow idinka ayaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya.
I maqla, runtu waa daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.
Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga waaqsan.

I addeeca oo i maqla inta aan addeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin inaydaan i maqlin ina addeecin …”
Bal akhristow u fiirso dareenka mas’uuliyadeed ee Abuubakar, bal ku dul naso miisaanka uu siinaayo tixgelinta dadweynha uu matalaayo, bal qiimeeya sida kibir iyo faan uga madhan yahay, bal dhugo culayska uu siiyey caddaaladda oo uu hiil ugu noqday cid kasta oo itaal yar, bal fiiri sida cid kasta oo awood sheegatay uu u itaal tiray si uu xaq darrada uga joojiyo, ee aanu cidna uga habran xaqqa. Bal cabir ereyga runta ee uu ku mataaneeyey cadaaladda, iyo beenta oo uu ku sidkay cadaalad-darada. Bal qadari sida uu isagu xidhay wanaag falka iyo adeeca madaxda, iyo sida uu u bayaamiyey inaan qalad iyo wax ka baxsan shareecada lagu raacin.Waa qudbad ninka mas’uuliyad ummadeed u tafaxaytaa wax ku qaadan karo.

Maqaalkan oo hordhac u ah taxane aan ku eegi doono dariiqa dheer ee hab dawladeedka lagu tilmaamo mid mas’uul ah oo dadka matala ( Responsible and Representative Government), waxa si dul xaadis ah aan ugu soo mari doona habkan casriga ah iyo dimuquraadiyada, anigoo miisaan gaar ah siin doona dalkan Ingiriiska oo barlamaankiisa lagu naaneyso Hooyada Barlamaanada. Mawduucan oo aad u ballaadhan oo mug weyn, waxaan u soo bandhigi doonaa hab fudud oo ku habboon inay bulsho weyntu fahmi karto, si waxtarkeedu u baaho, oo aynaan ku koobnaan aqoonyahanka iyo indheergaradka, kama se tagana inay u faa’iideyso aqoonyahanka aan fursad u helin dhugashada mawduucan. Waxayna fure u noqon kartaa siyaasiinta xilalka kale duwan haya, iyo inta laabta ka jecel.

Waa inoo maalin kale iyo xulasho fikradeed, Insha Allah.
Ahmed  Hassan Arwo
LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA
HARGEYSA
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Comments are closed