|

Dawlad-Deegaanka Somalida Ethiopia oo Joojisay Basaskii Yar Yaraa ee U kala Gooshi Jirey Magaalooyinka Jig-jiga iyo Diridhaba

busJig-jiga:Aug-11-2013(SDM) Maamulka Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa  Gebi Ahaanba Mamnuucay   Basaskii yar yaraa ee ka shaqayn jiray Magaalooyinka  Jig jiga iyo Diridhabe kadib markii uu batay shilalka waddadaa ka dhaca ee keenay dhimasha iyo dhaawaca dad badan.

Madaxwaynaha Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa amar ka soo saaray Gaadiidkaa yar yarka ah ee waddadaa ku safri jiray kuwaas oo u kala gooshi jiray Magaalooyinka jig jiga, Harar, iyo diridhabe.

Waxa uu sheegay Madaxwayne Cumar in haddii aan la joojin Gaadiidkaa ay sii kordhi karaan dhibaatooyinka ka iman karaa, waxana uu  amar ku bixiyay in talllaabo laga qaado gaadhigii la arko isaga oo ku safraya waddadaa .

Bedalka Gaadiidkaa yar yarkaa ee mini basyada waxaa galay Basaas waa wayn kuwaas oo dadka rakaabka ah ee jig jiga ka soo qaadaan keenaya Magaalada Harar halka Magaalada Harar uu ka soo qaadayo Bas kale kaas oo keenaya Magaalada diridhabe.

Inta aan la joojin Basaska yar yarkaa dadka wadadaa ku safri jiray waxa ay ku qaadan jirtay jig jiga iyo inta u dhaxaysa diri dhabe in ka yar afar sacadood laakiin hada waxay ku qaadanaysaa lix sacadood in kabadan sidaas oo ay tahay, ayaa haddana dadku sheegayaan in tan wanaagsan tahay marka loo eego sidii hore, maadaama basabka yaryari ay khatar badan gelin jireen dadka rakaabka ah.

Bishii aan ka soo gudbnay oo kaliya tira koob ay sameeyen waaxda socdaalka waddooyinka Bariga Itoobiya waxa ay sheegeen in ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Jig jiga iyo Harar 20 shil in ka badan kuwaas oo dad badan ku naf wayeen waxana shilkii ugu xanuunka badnaa ahaa mid ka dhacay duleedka Baabile .

Dhawaan ayay ahayd markii Laba gaadhi oo midna u socday jig jiga midna u socday diri dhabe isku galeen agagaarka dhagaxlay ee duleeedka Baabile halkaa oo labadi Gaadhi rakaabkii ay saarnayeen ka bad baadeen dad yar kaliya taasna waxa ay keentay go,aan deg dega in  uu qaato Madxawyne Cabdi Maxamuud Cumar .

Tallaabadan uu haatan qaatay madaxweynaha Dawlad-deegaanka Somalida Ethiopia, ayaa ah mid lagu badbaadinayo nafaha dad badan oo waddadaa mar walba mara, waxana soo dhaweeyey dadka sida joogtada ah ugu safra waddadaa.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed