Daweynaha Reer Bullaxaar oo si weyn uga mahadceliyay Cabdiraxmaan Boore Dhismaha Dugsiga Bullaxaar
Bullaxaar Feb 21,2013(SDN)-Siyaasiga, isla markaana ah ganacsadaha reer Djibouti, sidoo kalena ah muwaadin hore waxbadan uga soo qaybtay deegaannada woqooyiga Somaliland gaar ahaan degmada Saylac ee gobolka Salal ayaa si deeqsinimo ah gacan uga gaystay dhismaha dugsiga Boarding-ka Bullaxaar. Dhismaha dugsigan ayaa wefti ay hoggaaminaysay Wasiirada Waxbarashada JSL Marwo Samsam Cabdi Aadan, kana mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi X. Cali Xasan iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo degmada Bullaxaar iyo wakiillo ka socday Jaaliyadda reer Bullaxaar ee dalka UK ay dhagax-dhigeen 18kii bisha February, 2013 xarunta Bullaxaar ee gobolka Saaxil.
Mudane Maxamed Aadan Koodhaadhi oo ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee ka soo jeeda degmada Bullaxaar ee dalka UK oo u waramay bogga wararka ee bullaxaarnews Face Book isagoo ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa si weyn ugu mahadceliyay Ganacsade Cabdi-raxmaan Maxamed Maxamud Boorre oo waxqabad waxka taraya mustaqbalka carruurta reer Bullaxaar ee dhulka gubanka ah ku tabarucay, sidoo kalena dhamaan jaaliyadda reer Somaliland ee ka soo jeeda degmada Bullaxaar iyo shirkadda Start Channel ee door ku leh waxqabadkan.
Dhamaan qaybaha bulshada degmada Bullaxaar ee ay ugu horreyaan Suldaan Maxamuud Siciid, Guddoomiyaha Degmada Bullaxaar Maxamuud Qawdhan Ayax, gudida ururka UMAD ee ka shaqeeya waxbarashada degmada gaar ahaan Xasan SH. Maxamuud Suufi, Sh. Aadan Cabdillaahi Sh. Yuusuf, Cabdillaahi Ceeleeye iyo xubno kale oo dadweynaha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku sugan ee degmada Bullaxaar ka soo jeeda ayaa si weyn uga mahadceliyay ganacsade Cabd-raxmaan Boorre doorka waxtarka leh ee uu ka gaysty dhismaha dugsiga Boarding-ka Bullaxaar.
Waraysi aannu la yeelanay Maxamed Aadan Koodhaadhi ayaa nooga waramay in dugsiga Boarding-kani noqon doono mid si casri ah u dhisan oo dhamaan agabka iyo adeegga khuseeya waxbarashada, hoyashada, cuntada, ciyaaraha, biyaha iyo fayadhawrka iyo daryeelka guud ee carruurta lagu barbaaraniyo ama wax lagu barayo loo dhamaystiri doono, isla markaana lagu hayn karo tiro gaadhaysa 100 qof.
Wuxu sidoo kale Mudane Koodhaadhi ka waramay in qandaraaska dhismaha dugsigan oo ku kacaya lacag boqolaal milyan la siiyay shirkadda Daryeel oo si dhakhso ah hawshaas u gudan doonta.
Mudane Moodhaadhi wuxu usoo jeediyay dhammaan qaybaha bulshada ka soo jeeda degmada Bullaxaar iyo gaar ahaan dadweynaha ka tirsan jaaliyadaha dibadda ee degmada u dhashay inay ku xisaabtamaan doorka iyo waaibaadka ka saaran ka wada qaybqaadashada dhismaha iyo sii wadida shaqaynta Boarding-kan ee mustaqbalkaba.
Dhinaca kale, wuxu ka waramay Maxamed Aadan Koodhaadhi inay jaaliyadoodu halkan ka furteen shirkad la yidhaaho Start Channel, isla markaana ay ka bilaabi doonaan dalka mashaaric ganacsi iyo shaqo abuur uu ku jiro waxqabad lagu aasaasayo TV laga daawado dalka iyo dibaddaba.
Afgaab
Face book: Degmada Bullaxaar
Tel: 4150248