|

“Dastuurkeena Dib Weynu U Baadhi Doonaa, Waxa La Eegi Doonaa Guurtida Ma U Baahanahay” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xeerka Saami-qaybisaga iyo Doorashada Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in xeerkani uu muran badan ka dhaliyey Golihii Wakiilada ee hore, isla markaana ay Saddexdii Xisbi ee UDUB,UCID iyo Kulmiye ay murankaas soo af jareen, waxaanu tilmaamay inay khalad ahayd in Xeerkan Golaha la horgeeyo.

faysal-cali-waraabe“In la geeyo khalad ayey ahayd, waa tii aniga iyo Cabdiraxman Cirro maalintii hore ka doodnay BBC-da ee aan ku taliyey in laga soo saaro, 2005-tii ayaa lagu heshiin waayey, oo sidaas ay imika reer Awdal uga baxeen ayey uga baxeen, waxa aanu ku qancinay markii saddexda Xisbi la isku qaybiyey inay ku meel gaadh noqoto, markaas waxa aan u arkaa in maxaa dalka u dan ah aanay meelna ka soconayn, kuwa imika geeyeyna dan gaar ah ayey ka lahaayeen, oo kamay ahayn wax hagaajiye, waxa aan lagu heshii.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii watay, waxa .Dastuurkeena dib weynu u baadhi doonaa, dib baa loo eegi doonaa, waxa la eegi doonaa Guurtida ma u baahan ahay, oo iyadu su’aal taagan ah,waxa la eegi doonaa habka aynu imika ku shaqayno ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ma shaqaayey, ma kabnaa ma bedelnaa, waxa la odhan doonaa Madaxweynuhu 50% waxa ka yar haddii uu helo in wareeg dambe la celiyo, oo labada Xisbi ee isku soo hadha ay haddana tartamaan, oo Xisbiga Saddexaad ku gacan siiyo, wax badan ayaa inoo hadhsan, markaas waxa aynu furi doonaa Dastuurka, wixii inaga qabyo ah weynu hagaajin doonaa. Maanta waxa weeye Barlaamankii uu fadhiyaa, Guurtidii wey fadhidaa, Dawladdii wey fadhidaa, waana wada baarixi, baarixigana aynu ka takhalusno, waa inaynu waxeena si caalamiya uga fikirnaa, Dastuurkeena ayeynu eegi doonaa”.

Comments are closed