Dastuurka Soomaaliya oo kafaalo qaaday in Haweenku Ilamaha iska soo ridikaraan,iyo Dastuurka ooka casrisan kuwa Mareykanka iyo Talyaaniga
Muqdisho July 27,2012(SDN)-Dastuurka cusub ee haatan loo soo bandhigay ergada Soomaalida ee ku xuunsan Muqdisho ayaa waxa uu ka faallo qaadayaa xuquuqo aaney dalal badan oo reer Galbeed ahi ka faalo qaadin.
Haweenka oo kale dastuurka cusubi waxa uu siinayaa xuquuqo ay ka mid yihiin in Haweenku ilamaha ay uurka ku sido in ay iska soo ridi karto,hadii Hooyada nafteeda lagu badbaadinayo.
Waa xuquuq aaney haweenka Mareykanka ku nooli ka helin dastuurka dalkooda ugu horumarsan dunida.
Sidoo kale Dastuurka cusubi waxa uu ka faalo qaadayaa in Baarlamaanka dalka kuraas 30% Dumarka loo qoondeeyo.
Dastuurka ayaa inkasta oo uu leeyahay qodob oranaya Diinta Islamku waa Diinta dalka,hadana waxa waxa qodob kale uu ku oranayaa in dadku ay diinta ay doonaan caabudi karaan.
Dastuurkan cusub ayaa kolkii la barbardhigay kuwa dalalka horey u maray khaasatan kuwa reer Galbeedka waxa uu ka mid noqday kuwa ugu ilaalada wanaagsan xuquuqaha aasaasiga ah.
Dastuurkan cusub ee Soomaaliya ayaa marka la eego 45ka xuquuq ee asaasiga ah waxa uu kafaalo qaadayaa 36 ka mid ah.
Dastuurka Soomaaliya ayaa waxa uu kafaalo qaadayaa in ka badan lix xuquuqood oo aanu ka dalka Talyaanigu kafaalo qaadeyn,halka 15 xuquuqood dheer yahay ka dalka Mareykanka sida lagu xusay daraasad la sameeyay.
Dastuurka qoridiisa waxa gacan ka geystay khuburo ay QM hawlgelisay iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo intooda badan ku nool dalalka reer Galbeed
Qodobada xasaasiga ah ee ku xusan dastuurka cusub ayaa waxa uu dood xoogan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed,khaasatan culimada iyo Haweenka.