“Dastuurka Somaliland ay Ku Qoran Tahay Cida Somalilanderka ah Iyo Cida Kale Dadkeenu Waa Reer Guraa In Dalka Loo Sheegtana Waa Danbi Madaxweyne Ku Xigeenku Arintaasi Raali Galin Ha Ka Bixiyo”…A/Rashiid Xasan Mataan DAAWO.
Boorama 20.March 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C.rashiid Xasan Mataan ayaa Kormeer Shaqo Waxa uu ku Tegay Deegaano ka tirsan Gobolka Awdal oo ay ka taagan tahay Xaalad abaareed oo Sababtay in dad ku dhintaan.
Xoghayaha Warfaafinta Waddani ayaa intii uu Kormeerka ku Jiray Waxa uu Taakulo Kooban Gaadhsiiyey dadka ay Saamaynta ku yeelatay Xaaladan abaareed.