Dariiqii Xisbigii Udub u Jeexay Siyaasadda Arrimaha Dibadda oo Dib Loogu Noqday Iyo Wasiir Sacad oo ka hadlay {DHAGAYSO}
Hargaysa 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Hargaysa lagu soo Gabo gabeeyay Shir Mudo Shan Cisho ah u socday Wakiiladda dalalka dibada u fadhiya Somaliland Waxaa kale oo Shirkan lagu Marti qaaday Siyaasiyiin Xilal ka soo qabtay Xukuumadii hore ee Somaliland Sida Ambassador Cawil Cali Ducaale Iyo Drs Edna Aadan.
Shirkan oo ahaa Kii u horeeyay ee Noociisa ah Waxaa lagu Gorfeeyay Qorshayaasha Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxaana Gunaanadkiisii akhriyey qodobadii ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in natiijada shirkan ay ka mid noqon doonaan qodobadan oo shirka la iskula qaatay in Somaliland u baahan tahay:
- Waxaynu u baahan nahay in saddexdii biloodba mar shirkan oo kale la iskugu yimaado oo lagu gorfeeyo halka ay wax inoo marayaan;
- Waxaynu u baahan nahay inaynu had iyo jeer isticmaallo kalmadda ah Jamhuuriyadda Somaliland(Republic of Somaliland) oo aynaan odhan oo kaliya Somaliland;
- Waxaynu u baahan nahay sidii aynu dawladda Ingiriiska iyo dawladdaha Africa ugu soo dabaali lahayn inay ila qaataan qaddiyaddeena;
- Waxaynu u baahan nahay dawlad, baarlamaan iyo axsaaba inaynu iska kaashanno sidaynu u heli lahayn aqoonsi oo aanu noqon arrin cid gaar ahi leedahay;
- Maadaama aqoonsigu yahay arrin aad iyo aad qiimo inoogu leh, waxaynu u baahan nahay inaynu maalgalinno oo samayno sanduuq aqoonsi raadis;
- Waxaynu u baahan nahay inaynu xaqiijinno oo hubino in doorashooyin xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacaan maadaama waxaynu iibinaa yihiin dimuqraadiyad, degaansho iyo xasillooni;
- Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno kayd ah wax allaale wixii qoraalo laga sameeyay Somaliland;
- Waxaynu u baahan nahay inaynu xidhiidh la yeelanno wax allaale wixii hay’addo ah ee inaga caawin kara ama garab inaga siin kara dadaalka aqoon raadinta ee aynu ku jirno;
- Waxaynu u baahannahay inaynu xubin ka noqono wadamada aan la citiraafin, oo shirarkooda ka qayb galno.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirSacad(1).mp3″]
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO NUXURKA KA SOO BAXAY SHIRKA DARDARGELINTA SIYAASADA ARRIMAHA DIBADA