|

Dareewalkii Gaarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo Shaaciyey in Dowladda Somalia Gurigiisii Xoog kaga qaadday DAAWO

Muqdisho 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kornayl ka tirsan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaashi Furre, isla markaana ahaa Darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Maxamed Siyaad Barre sida uu sheegtay, ayaa cabasho ka muujiyey Guri uu sheegay inay dowladda Federaalku si xoog iyo qasab ah kaga qaadday uu lahaa, isla markaana Waraaqihiisii oo dhan uu haysto oo Marhaati Sharci iyo Markhaati Dad-ba u haysto lahaanshaha Gurigaas oo uu sheegay in dowladdu ku dul-iibisay.

DAREEWALKII SIYAAD BARREXaashi Furre, waxa uu sheegay in uu illaa Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah uga dacwooday, meelo badan oo kale oo Hay’adaha dowladda ka tirsanna u dacwooday, balse wax loo qabtay haba-yaraatee jirin, isla markaana Guriga oo Qoyskiisu deggan yahay Ciidammo la dulkeenay xoog kaga raray, agabkii Aqalkana ay ka burburiyeen.

Waxa uu Kornayl Furre sheegay in haddii uu tego Gurigiisii intii dowladdii Millaterigu burtay wixii ka dambeeyey ay ugu dhasheen Sagaal Carruur ahi ay tooganayaan Ciidammada Hubaysan ee la geeyey Gurigiisa ee xoogga kaga saaray.

Kornayl Xaashi Furre waxa kale oo uu sheegay inuu wakhtigan ka tirsan yahay Ciidammada Saraakiisha Ciidammada ilaaliya Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xaaladdiisana uu la socdo, isla markaana aanu haba-yaraatee wax jawaab ah ka helin. Taasina ay soo gaadhay heer uu Saxaafadda Muqdisho ugu soo bandhigo Cabashadiisa iyo sida loola dhaqmay-ba.

Haddaba, Sarkaal Xaashi Furre Waraysigan uu siiyey Telefeshinka ama Warbaahinta SBC oo uu ku booqday Xaruntooda magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya iyo sida faahfaahsan ee uu arrimahaas u sharraxay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed