Dareenno Siyaasadeed Oo Ka Dhashay Sawirro Laga Qaaday Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Gacmaha Is-Haysta + Halka Ay Daarnayd Dhoolla-Caddayntii Dhoolla-Tuska U Muuqatay Ee Labadan Mas’uul!!
Hargaysa 17. January 2017 (SDN/QJ):- Inkasta Oo Muddo badan deeradu dhex miranaysay oo ay ahaayen saaxiibbo hore oo siyaasaddu u kala irdhaysay kadib saaxiibtinimadii guunka ahayd ee u dhaxaysay Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ee ku soo idlaatay aaskaaskii Xisbiga WADDANI iyo kala dhaqaaqoodii ay ku kala tageen xisbiga UCID, doraad ayay ahayd markii sawir guud ahaanba kaasi ka baddalan ay la soo shir tageen labadan Hogaamiye Mucaarid oo gacmaha is haystaa markii ay ka soo baxeen kulankii ay Abwaanada dalku ku kulansiiyey axsaabta qaranka taasoo warbaahintu mar kali ah ku war heshay Guddoomiye Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo gacmaha is haysta oo ka soo baxay madashii shirka.
Muuqaalka sawirada laga qaaday labadan masuul oo gacmaha is haysta ayaa dhaliyey dareen soo jiidasho leh oo ay warbaahintu il gaar ah ku eegtay wakhti muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn loo dareemayay in Faysal Cali Waraabe oo isagu ahaa masuulka labadan nin sii xag-jirka ahi soo dabcay qaabkii qaawanaa ee uu u weerari jiray Dhiggiisa Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirrona uu so oaf-meeray halka muddooyinkii dambe si weyn looga war hayay qaabka xagjirnimada ah ee Faysal Cali Waraabe xukuumadda iyo xisbigeeda ugu milmay.
Dad badan ayaa is waydiinaya in sawirkanki ahaa Dhoolatus iyo isu soo dhawaansho labadan nin dhex maray kadib muddo dheer oo ay ku kala fogaayeen siyaasadda in badana mid ka mid ahi kan kale si weyn u duri jiray gaar ahaan Faysal Cali Waraabe oo ahaa isagu ninka mar walba sida adag warbaahinta ugu weerara dhiggiisa Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo isagu dhiniciisa aan la arki jirin isaga oo Faysal Cali Waraabe duraya ama dhaliilo culus warbaahinta u marinaya oo wax ka sheegaya.
Ma Cabdiraxmaan Cirro ayaa helay gaaxda dul-qaadkii uu sannadaha badan ku qaabilayay dhaliisha iyo eedaynta Faysal Cali Waraabe, mise isu soo dhawaansho kale oo daaha dabadiisa ah ayaa keenay in ay labadan masuul shalay fagaaraha u soo baxaan iyaga oo gacmaha is haysta kaasoo ahaa muuqaal aan in badani u fadhiyin, dadka xaaladaha siyaasiyiinta Somaliland u kuur galaana ku tilmaameen mid dareenkeeda leh kuna noqotay hal-xidhaale cusub iyo irmaan oodan!.
Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa in xaajadu sidan ka duwan tahay iyo ay kaba sii xeel dheer tahay wakhti ay maalmihii ugu dambeeyey u muuqdeen kuwo isku bahaystay aragti ay kaga soo horjeedaan dhiggooda xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo in Faysal Cali Waraabe mar kale dhinac kale ka soo jeedsado sidii lagu yaqaanayna dhaliilo adag huwiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa WADDANI.