Dareenka Tiiraanyada Leh ee Geeridii Weriyihii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke AHN Iyo Tilmaamo baadi sooc u ah Curintiisa Suxufinimo DAAWO
Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa Bah’da Warbaahinta ku hadasha Luuqada Soomaaliga ka baxay Tiir ka Mid ah Rukunada ay ku taagan Tahay Saxaafadu,Wuxuu ahaa Foolaadkii Warbaahinta ku soo Biiray Horaantii Todobaatanaadkii,Wuxuu ahaa Weriye Ruug cadaa ah oo Wax badan ku soo Kordhiyey Mihnada uu ku shaqaynayay Ku sinaan Mudo 43 Sanno ah oo Cimrigiisa ka Mid ah,Waa Axmed Xasan Cawke oo Shalay lagu aasay Magaalo Xuduudeedka Tog wajaale oo ah halkii ay Xuduntiisu taalay amase ku dhashay.
Waxaa Aaska Qaran ee Loo Sameeyay Marxuun Axmed Xasan Cawke oo Kulmiyey Mas’uuliyiin Sarsare oo Ka Kala Socday Somaliland Iyo Itoobiya,Suxufiyiin,Hal doorka Bulshada,Waxaa Sidoo Kale Xusuus Leh in Aaskan ay Nasiib u Heleen inay Ka qayb galaan Xubno ka Mid ah Shakhsiyaadkii ay Mudada dheer soo wada shaqeeyeen Marxuunka oo dhamaantoodba ku Sugan Xiligan Somaliland Kuwaas oo ay ka Mid ahaayeen Warfidiyeeno aad looga yaqaan Geyiga Somalidu degto Sida Idiris Cigaal Nuur,Yoonis Cali Nuur,Siciid Cali Muuse,Maxamud Cabdi Ducaale Iyo Cabdisalaan Ibraahin Hereri oo Intooda badan ay Soo wada barbaareen soona Wada Shaqeeyeen Wakhti dheer, Waxayna dhamaantoodba iska daba mareen Astaamaha Baadi soocda u ahaa ee lagu yaqaanay Marxuunka,Waxayna ku Sifeeyeen Weriye Codkar ah hibo fiicana u lahaa hanaanka War tebinta ,Sidoo kale Waxaa aas qarameedkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Jiilka Maanta.
Weriye Axmed Xasan Cawke Ilaahay Naxariistiisa Janno ha ugu deeqee Wuxuu ahaa Weriye habka Wax Curintiisu ahayd Mid Saraysa Isla markaana Si farshaxanimo ku dheehan tahay Bulshada ugu soo Tebiya Waxa uu doonayo inuu u Sheego,Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Mid ka Mid ah Barnaamijyada Tirada badan ee ah Dhaxalka aan Lumayn ee uu Ummadiisa uga Tegay laguna Xasuusan Doono,Ku Darsoo Wuxuu Barnaamijkan ka Diyaariyey Magaalada uu Ku Geeriyooday ee Jig Jiga Xarunta Is maamulka Somalida Itoobiya.