|

Dareenka Shacabka Ku Nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ee Ku Saabsan Xiisada ka dhalatay Dhawaqii Madaxweyne Trump ee uu Qudus ugu Aqoonsaday Caasimadda Israa’il DAAWO

Hargaysa 09. December 2017 (SDN/QJ):-Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Go’aaankaas uu Arbacadii gaaray ayuu kaga baxay siyaasad uu Maraykanku dhexdhexaad kaga ahaa arrintan muddo tobannaan sano ah.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus in ay caasimaddeeda tahay, halka Falastiiniyiintyna ay ka sheegtaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967dii in ay tahay caasimadda dawlada ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Comments are closed