|

Dareenka Bulshadda Magaaladda Burco ku Qaabishay Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Kulmiye DAAWO

Burco 26.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan garabkii la baxay isbaahaysgia dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE, ayaa gaadhay magaalada Burco halkaas oo ay taageerayashoodu ku soo dhaweeyeen.

12295798_420799124779687_852957150_o2 11224719_607179096100467_6724776150459340234_n 11148751_607178149433895_8758791227434797396_nQaar ka mid ah dadka soo dhaweynta maamulayay ayaa saxaafadda u sheegay in cududdii taageerayaasha KULMIYE yihiin kuwa taabacsan isbahaysiga, islamarkaana calan iyo gaadhi faaruq ah lagu wareejiyay musharraxa xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanay ku doodeen in siday taageeradooda u muujiyeen si la mid ah ay taageeradooda u muujin doonaan degaanno kala duwan oo siyaasiyiinta isbahaysigu ka soo jeedaan.

Siyaasiyiintan maanta Burco gaadhay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii shaqada Dr. Cabdi Aw daahir Cali, Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo xubno kale ayaa si farxad leh ugu mahadceliyay taageerayaashooda, kuna dooday inaanay wali arag bulshada Burco oo sidaasi u midaysan.

Hadaba Halkan ka Daawo Dareenkii Soo Dhawayneed ee Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye 

Comments are closed