Dareenada Ku Xeeran Safar uu Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen ku Tegayo Beri Magaalada Berbera
Hargaysa 12. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Da’da yare ee ku dhex daalay Dhaqanka siyaasadeed ee ka jira Somaliland isla markaana mudo afar sano ah Afka ka ahaa musharax madaxwayne oo xisbiga Ucid ah.
Aqoonyahanka ayaa waxa mudadaasi afarta sano ah ka dib ay dantu u run sheegtey in uu ku dabo faylo sida la filaayo dhawaan musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo in badan oo Warbaahinta u marinaayay isaga iyo xulafadiisa taageertaa dhaliilo aad u xoogan.
Waxaana tan iyo intii wixii ka dambeeyey quusashadii xisbiga Ucid uu wadahadalo la furey asxaabta siyaasada Somaliland ee Kulmiye iyo Waddani balse arintaasi ayaa ku soo gabo gabowdey kala jab ku yimaada garabkii uu kala yimi Xisbigii Ucid.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa uu Jamaal Cali Xuseen Shir doceedyo kula lahaa Magaalada Hargeysa Cuqaasha Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Deegaankiisa ka soo jeeda kuwaasi oo uu kala tashanaayay halka uu sal dhigan doono mustaqbalkiisa Siyaasadeed inkasta oo sida wararka aanu ku helayo dadkaasi uu la tashaday Badankoodu ay kula taliyeen in uu ku biro Xisbiga Kulmiye.
Ka dib wada tashigaasi ayaa waxa uu mar kale weysada u biyeystey in uu safar talo wadaag ah kula noqda Dhalinyarada iyo cuqaasha beeshiisa ee gobolka Saaxil iyada oo la filaayo in uu maalinta beri oo Salaasa ah uu u ambabaxo magaalada Berbera halkaasi oo soo dhawayntiisa laga dareemaayo.
Ujeedada safarka ayaana ah sidii uu ugala soo tashan lahaa Dadka deegaankiisa halka ay la jecel yihiin in uu masayrkiisa siyaasadeed jilbaha u dhigo,inkasta oo wararka lagu kalsoon yahay oo aanu helayno ay sheegayaan in la qorsheeyey sidii uu u garab istaagi lahaa Musharaxa ay Subeeriyada isku yihiin ee xisbiga Kulmiye.
Aqoonyahankan Sannadihii ugu dambeeyey ahaa musharaxa madaxwayne ayaa bulshada Somaliland waxay ay u dheg taagaysa halka uu ku biirin doono cududiisa siyaasadeed.