DARAASADA CUSUB: SHAQSIYADA QOFKA IYO BAAHINTA FACEBOOKGA
Daraasada cusub oo Jaamacad Brunel London (Brunel University London) qaybteeda Cilmi Nafsiga samaysay, ayaa waxaa lagu ogaaday in waxyaabo badan oo ay hore u ogeyn, iyo dadka istimaala barta bulshada ee facebook sida ay dabeecadooda iyo nafsiyan tahay hadaba waxaa daraasada laga qaadaya dad gaadhaya 555 oo qof kuwaas oo istimaal faysabuuga(Facebook),kuwaas oo maalintii kusoo baahiya waxyaabo badan oo kala duwan. Daraasada waxa ka soo baxay wax badan oo yaab leh:
1- Waxaa la ogaaday in dad badan oo facebook soo dhiga lamaanahooga nolosha, iyagoo ku muujiya weedho ama sawiraba jacaylkooda, in ay yihiin dad kalsooni yar (low self-esteem).
2- Dadka soo baahiya guulaha ay gaadheen sida mid Waxbarasho, Shaqo, iyo kuwo kale. Waxaa daraasada sheegtay in ay yihiin kuwo raadinaya dhiirigalin.
3- Dadka soo baahiya cuntooyinka ay Cuneen, Jimisyada , nooca jidhkood u eegyahay ama muuqaalkooda waa dad doonay in ay muujiyaa dadaalka ay galiyeen jidhkooda.Waa Dad Anaaniyiin Ah. (Narcissists)
4- Dadka soo baahiya baahino aqooneed) sida Maqaalada Aqooneeda iyo Buugagta waa dad aad furan (Openness) mana helaan comment badan. Balse ma daneeyaan.
Waxa kale oo daraasadu sheegtay in si toos ah ay isku xidhantahay shaqsiyada qofka iyo wax uu dhigo barta facebook. Sidoo kale daraasada waxa sheegtay in dad badan yihiin comment ama like to nool waxaan u jeedaa in marka uu qofku baahina sameeyo ama soo dhigo wax barta facebook hadaba inta uu falcelinta dadka helo sida haduu qofku helo comment badan ama like badan, waxaa keentaa in uu aamino in uu yahay qof bulshaawi ah, halka qof aan helin wax badan oo comment ah ama like ah, uu daraamo in uu yahay qof aan ahayn bulshaawi ama yahay qof xidhxidhan.
Dadka naaniyada ah ayaa adagtahay in la daweeyo . Dadka qaar waxa ay daraasadu sheegtay in ay ka qaadan bartaha bulshada sida facebook xanuun la yidhaahado personality disorder waxaa u falcelinta dadka ah hada dadkaa ayaa u baahan talo gaar ah.
Hadaba daraasada ugu danbayntii waxaa soo jeedinaysaa in dadka saaxiibada Facebook ku ah, ay si wacan u dhaqamaan si ay ugu baxasadaan in qof ka mida uu xanuunsado. Ama uu la kulmo dhaqano xun.
Tixraac
http://www.sciencedirect.com/
Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale
Tel: +252634111694
Twitter: @KHDualeh
Email: khdualeh@gmail.com