|

Daraasad Si Cilmi ah u Soo Bandhigtay Dalalka Maanta ay Ku Nool Yihiin Raga Adduunka ugu Dheer,Kuwa ugu Gaaban Iyo Isbarbar dhiga dhinaca Haweenka ee Sheekadan

Latvia 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Daraasad nooceedu adduunka ku cusub yahay oo lagu sameeyey markii ugu horraysay taariikhda dadka adduunka ugu dhaadheer iyo kuwa ugu gaagaaban ayaa lagu ogaaday dalalka ay ku nool yihiin haweenka adduunka ugu dhaadheer iyo ragga ugu dhaadheeri iyada oo ay daraasaddani daaha ka rogtay in ragga waddanka Holland u dhashay ay noqdeen celcelis ahaan ragga adduunka ugu dhaadheer marka la garab dhigo dhiggooda dalalka kale u dhashay halka ay haweenka reer Latvia ka noqdeen haweenka wakhtigan adduunka ugu dhaadheer. Sidoo kale Haweenka iyo Ragga reer Guatemala iyo East Timor ayaa noqday ragga iyo haweenka ugu gaagaaban adduunka.

article-2176733-140425F4000005DC-641_306x423Waxa ay noqotay daraasaddii ugu weynayd ee laga sameeyo dhererka dadka dunida ku nool taasi oo shaacisay in ragga reer Holland celcelis ahaan noqdeen kuwa adduunka ugu dhaadheer iyada oo dhererkoodu noqday celcelis ahaan 182.5cm halka haweenka waddanka Latvia iyaguna ka noqdeen dhinaca haweenka kuwa ugu dhaadheer celcelis ahaana ay noqdeen 1,70cm.

Daraasaddan oo ay gadh-wadeen u ahaayeen khubaro ka socda kulliyadda boqortooyada Ingiriiska ee A-Life Institute, waxa ay sidoo kale muujisay in ragga u dhashay waddanka East Timor ay noqdeen ragga adduunka ugu gaagaaban (160cm), halka ay haweenka waddanka Guatemala iyana ka noqdeen haweenka adduunka dhinaca dhererka ugu gaagaaban celcelis ahaana dhererkoodu noqday 149cm.

Khabiir u hadlay kooxda daraasaddan samaysay waxa uu xusay in dhererka dadku ku xidhan yahay hab-nololeedkooda gaarka ah ee dhinaca maciishadda iyada oo dalka Maraykanku noqday dalka dhererka dadkoodu uu sii socdo illaa da’ dhexaadka iyada oo dalal badan oo adduunka ah oo daraasaddan laga sameeyey lagu ogaaday in celcelis ahaan dhererka dadku is taago marka ay gaadhaan 25 jir taasi oo ay saamayn ku leedahay dhinaca dakhliga iyo dhaqaalahoodu sida uu yahay.

Dalalka korriinkooda dhererku sugan yahay waxa ugu horreeya adduunka Maraykanka, waxa ku xiga dalalka Ingiriiska, Finland iyo Japan. Daraasaddani waxa ay xusaysaa in taa baddalkeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika oo dhulka Soomaalidu degtaa ka mid yahay, woqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe ay dadkoodu noqdeen kuwo korriinka dhererkoodu 50-kii sanadood ee ugu dambeeyey uu hoos u dhacay. Khubarada daraasaddan samaysay waxa ay sheegayaan in nidaam ahaan dhinaca nolosha ay dhererka bani aadamka saamayn ku leedahay hiddaha dhinaca taranka, deegaanka uu qofku ku nool yahay iyo hab-nololeedkiisa cunto kuwaasi oo door weyn ka qaata in qofku dheeraado ama gaabnaado. Caruurta ku nool dalalka hodanka ah, kuwa noloshoodu sarrayso, sidoo kalena haysta deegaan ku habboon dhinaca nolosha ayaa noqday kuwo ka dhaadheer ubadka aan intaasi haysan.

Daraasaddan oo la soo gabagabeeyey dhawaan waxaa laga sameeyey dhammaanba dalalka adduunka iyada oo kooxda khubarada ah ee daraasaddan samaysay sidaa ku galayso taariikhda in ay sameeeyeen daraasaddii ugu horraysay ee laga sameeyo dhinaca dhererka aadamaha iyada oo taariikhda lagu hayo tii ugu dambaysay ee la sameeyaa in ay ahayd sannadkii 1914-kii oo lagu daraaseeyey dhererka dadka adduunka.

Comments are closed